Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo Dhaliiley Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

0
284

Guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID, ayaa sheegay in tan iyo markii uu xisbiga Kulmiye talada qabtay, anay Somaliland samayn horumarkii laga filayay.

Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay barta clubhouse, ayaa xukuumadii kala danbeyay ee xisbiga Kulmiye ku ee deeyay in ay xagal daaciyeen horumarkii ay Somaliland ku socotay.

“Intii uu Kulmiye qabtay dalka, Somaliland horumarkii laga doonayay may samaynin, waxay ku fashilantay arrimihii dibada, qabiilkuna wuu xoogaystay, hay’adihii dowlada iyo sharcigiina way baabiiyeen” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha sheegay in xukuumadaha Kulmiye ay xisbiga Waddani u ogolaadeen in uu xildhibaano yeesho isagoon doorasho galin, taas oo uu sharci daro ku tilmaamay.

Faysal ayaa sidookale ku eedeeyay xukuumadaha xisbiga Kulmiye in ay markastaba la heshiiyaan baarlamaanka iyo guurtida si ay wakhtiga u korodhsadaan.

“Waxa heshiiya fulinta, baarlamanka iyo guurtida si ay wakhtiga u korodhsadaan taasoo sharci daro ah” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Guddomiyaha ayaa intaa ku daray in xukuumada hada talada haysa ee xisbiga Kulmiye ay xidh xidhay musharixiin xisbigiisa ah isla markaana ay ka UCID ahaan iska aamuseen iyagoo dalka u tudhaya.

Guddoomiye Faysal ayaa tan iyo intii ay socotay xulista xildhibaanada doorashoooyinka deegaanka iyo wakiilada marar kala duwan ka hadlay xad gudub yo sharci oo uu sheegay in ay ku kacday xukuumada madaxweyne Biixi.

  1.