Saxafiyiinta SOLJA oo War Kasoo Saarey Arrinta Hoodo Careys iyo Booliska Somaliland.

0
521
warsaxafadeed uu soo saaray ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa hayadaha cadaalada ee Somaliland ugu baaqay in ay baadhaan, arinka saxafiyad Hoodo Garays iyo Booliska Somaliland.
Warsaxafadeed ka ayaa waxa lagu yidhi “Ururka saxafiyiinta Somaliland oo u taagan ilaalinta xuquuqda saxafiyiinta, waxa uu ka digayaa in saxafiyiinta lagula kaco talaabo kasta oo u ekaanaysa in ay baal marsantahay shuruucda dalka, ee xoriyada siinaysa saxafiyiinta si lamida muwaadiniinta kale ee Somaliland.

Sidaa darteed ururka suxufiyiinta Somaliland waxa uu ku baaqaya, in arinka wariye Hoodo Garays oo cabasho ka muujisay sida loogula dhaqmay saldhiga Qudhac-dheer, ay haayadaha sharciga ee arintaasi khusaysaa ay ubaadhan si madax banan oo cadaladi ku dheehantahay si loo ogaado saxnimada dhacdadas.

Ururka suxufiyiinta ayaa sidokale ku baaqay in la ilaaliyo xaqa iyo xuquuqda uu dastuurka Somaliland u damanad qaaday suxufiyiinta.