Muranka Doorasho ee Soomaaliya oo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Dalbadeen In Xal Deg Deg ah Laga Gaaro.

0
509

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa ku boorriyay Isniintii Dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada kale oo ay quseyso in si dhakhse ah leysugu raaco taariikhda doorashada, iyagoo ka digay dib u dhac kale oo doorasho.

Ku-simaha Wakiilka Mareykanka ee Qarramada Midoobey Richard Mills ayaa sheegay in ay codsanayaan in si deg deg ah loo xaliyo jahwareerka siyaasadeed, isagoo yiri ” rabshadihii siyaasadeed ee usbuucii la soo dhaafay ka dhacay waddooyinka caasimada Muqdisho yihiin kuwo horseedi kara guul darro siyaasadeed. . ”

Ugu yaraan shan askari ayaa la dilay in kabadan toban qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dhacay Jimcihii la soo dhaafay ee looga soo horjeeday dib u dhaca doorasho

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa saaran cadaadis  muddo xileedkiisu dhamaaday iyadoo aysan jirin doorasho leysku raacsan yahay.

Wkiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa dhankiisa khudbad uu jeediyay ku sheegay in Soomaaliya xiligan ka jirto xaalad cakirnaan siyasadeed ah.