Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo Kulamo La Xiriira Arrimaha Doorashada Dalka Ka Socdaan.

0
495

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya saacadihii ugu danbeeyay waxaa kulamo xasaasi ah ku lahaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, kuwaa oo ka wadahadlay khilaafka Doorashada,

Inkastoo kulamadan ahaayeen kuwo albaabadu u xirnaayeen haddana warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhinacyadu ku heshiiyeen in kulamada la sii waddo ilaa laga helo dhamaanba ogolaashiyaha dhinacyada ay quseyso doorashada sida Puntland iyo Jubbaland oo wali ka biyo diiddan hannaanka doorashada.

Dhinaca dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay mabd’ahaan ogolaatay in ay wax ka badal ku sameyso guddiyada qaar ee lagu muransan yahay inkastoo aan si dhab ah arintaan carabka loogu adkeyn.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheeaya in dowladdu dalbatay in la soo gudbiyo magacyada xubnaha guddiyada  ka tirsan ee la dhaliilay kuwaa oo loo arko shaqaale dowladdeed.

Midowga Musharixiinta ayaa ku eedeeyay kol hore in dowladdu magacaawday guddiyo doorasho oo aan dhaxdhaxaad ku noqon karin, kuwaa oo isugu jira shaqaale dowladdeed, Askar iyo waliba taageerayaasha madaxweynaha.

Saacadaha soo scoda ayaa lagu wadaa in dowladda Soomaaliya soo saarto faah faahin ku saabsan kulamadii ugu danbeeyay ee ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee looga wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka.