Xarumo Iyo Saldhigyo ay Lahaayeen Al-shabaab oo ay Sheegeen Ciidamada Danab In ay Burburiyeen.

0
767

Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegay in howlgal saacidihii ugu danbeeyay ay sameeyeen ciidamada Koomaandooska Guutada 16aad ee DANAB ku burburiyeen xarumo waaweyn oo ay lahaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay howlgalkan ay ku qabteen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo agab ay lahaayeen sida mootooyin ay u isticmali jireen weerarrada iyo dilalka qorsheysan.

Ciidamada ayaa howlgalkan gaar ahaan ka fuliyay deegaanno ay ka mid yihiin Buur Heybe, Jiira Koolow, Durdurow, saax-weyn iyo Yaaq-doomaar, kuwaasoo hoos-taga degmada Buurhabaka.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa howlgallo ka fuliya deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin, waxaana howlgalada qaar kala qeyb qaata Ciidamada Mareykanka ee tababarka siiya.