Safiir Cusub oo Dawladda Ingiriisku Usoo Magacawdey Soomaaliya.

0
806

Dowladda Britain ayaa badashay safiirkeedii Soomaaliya Amb, Ben Fender iyadoo soo magacaawday safiir cusub oo noqoneysa haweeney lagu magacaabo  Kate Foster

Safiirkan cusub Kate Foster ayaa lagu waddaa in ay  si rasmi ah xafiiska ula wareegto bisha Febraayo ee sanadkan.

Amb, Ben Fender waxaa ay Soomaaliya u soo magacaawday 30-kii Bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii, waxaana Soomaaliya uu ka Shaqeeynayay  ku dhawaad labo sannadood.

Dowladda Britain ayaa safiirkeedan cusub waxaa ay noqoneysaa haweeneydii labaad oo safiir uga noqonta Soomaaliya laga soo bilaabo tan iyo 2012.

Baritan waxaa ay ka mid tahay dowladda taageerra Soomaaliya saameynta weynna ku leh siyaasadda dalka.