Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Jubaland oo Nin Dhaqtar ah Lagu Dilay.

0
398

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa sheegaya in koox hubeysan toogasho ku dileen Dr Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa dhaqaatiirta magaalada Kismaayo.

Lama oga cidda ay ka tirsanaayeen kooxdan  toogashada geysatay iyo sababta ay u dileen dhaqatarka intaba, hasse ahaatee durbadiiba goobta ayeey ka baxsadeen sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Halka uu dilku ka dhacay oo ah xaafadda Fiyo Afmadow ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlad gobolleedka Jubbaland oo halkaa ka sameeyay baaritaan la xiriira dilka.

Kismaayo waxaa ku badan dilalka lagu bartilmaameedsado dadka bulshada magaca ku dhax leh oo ay dhaqaatiirta iyo ganacsatadu ka mid yihiin, iyadoo horay sidan oo kale gudaha magaalada loogu toogtay shaqsiyaad siweyn looga garanayay guud ahaan deegaannada Jubbaland.