Waxaa dalka Kenya aas loogu sameeyay dhakhtarkii ugu horreeyay ee u dhintay xanuunka Covid-19, iyadoo munaasabadda aaska ah ay kasoo qeyb-galeen xubno kamid ah qoyska dhakhtaradda geeriyootay ee Doreen Adisa Lugaliki iyo saaxiibadeedii shaqada .
Dhakhtaraddan ayaa waxay ku dhimatay Ismaamulka Bungoma .
“Waxaan maanta aaseynaa Ubax aan ku il-doogsan jirnay iyo dhakhtarad qiima badan u laheyd bulshada” ayey tiri walaasheed oo la hadleysay dadkii aas-ka kasoo qeyb-galay.
Laba kamid ah kalkaaliyayaasha caafimaadka Kenya ayaa horay Coronavirus ugu geeriyooday.
“Waxay aheyd saaxiibad qalbi fiican, dad jecel , oo aad ugu shaqeysa bulshada, mana aheyn qof si fudud lagu halmaami karo” ayeey mar kale u sheegtay Sheila Lugaliki oo ah dhakhtaradda dhimatay walaashey dadkii aaska yimid.












