Wasiirka Amniga Galmudug oo Al-shabaab Ku Eedeeyey In Ay Ka Dabeeyaan Colaadaha Beelaha.

0
1323

Puntland  iyo Galmudug ayaa waxay faah-faahin ka bixiyeen howlgallo la xiriira ammaanka oo ay iska kaashadeen maamulladaasi oo garab ka helaya Ciidamada Militiriga ah ee dowladda dhexe oo ay ka mid yihiin kumaandooska Danab.

Howl-galka ayaa laga fuliyay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Wasiirka ammaanka Galmudug Axmed Macallin  Fiqi ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in howl-galka ay si wada jir ah u qaadeen Ciidanka ammaanka Galmudug, PSF-ta Puntalnd, kumaandooska Danab iyo ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21-aad.

Axmed Macallin Fiqi oo uu hareer taagnaa wasiiru dowlaha Cadaaladda Puntland ayaa waxa uu eedeyn u jeediyay Al-shabaab, isagoo ku eedeeyay in ay ka dembeeyeen dagaallada beelaha ee ka dhaca Gobolka Mudug.

Tan iyo Intii uu Xilka Wasiirka Amniga Galmudug uu Qabtey Wasiir Axmed Macalim Fiqi Ayaa Waxaa Isa Soo Taraya Hadal Haynta Arrimaha Amniga Gobolka Mudug iyo Galmudug,Taas ayaana Keentay In Dad Badan Niyaddooda  Amni Kor Usoo Kacdo Kuna Dhiiradaan Dib u Dhiska Galmudug iyo Maalgashigeeda.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen maleeshiyaad ka shaqeyn jiray amni darrida Gobolka Mudug , gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.