Shaqaale Ka Tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Maxkamad La Hor Keenay.

0
831

Waxaa maanta maxkamad ku taalla Gobolka Banaadir kasoo muuqday shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya,  kuwaas oo loo haaysto eedo la xiriira Musuq maasuq.

Dadka lasoo taagay maxkamadda ayaa waxaa kamid ah agaasimihii wasaaraddaas iyo agaasima waaxeedyo loo haaysto lunsashada hantida wasaaradda,  gaar ahaa xilliyadii uu bilowga ahaa COVID-19.

Shaqaalaha ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee loo haaysto musuqa ayaa muddo xirnaa,  waxaana la eegayaa cadaaladda ay ka helaan garsoorka dalka.

Walow dadka qaar ay xariggooda ku micneeyeen arrimo salka ku haya is-fahmi waa ‘ dhinaca siyaasadda ah,Hadana Kiiskan ayaa Xukuumadda Soomaaliya Waxey Uga Dhigantahey In ay Musuq La Dagaalan,wax Qabadkeeda ah ay Ku Jirto.

Si Kastaba Ha ahaatee Dhegeysiga Dacwadda ayaa Mar Kale Loo Balamey Lamana Oga Waxa uu Noqon Doono Go’aanka Kasoo Bixi Doona.