Wasiir Puntland oo Covid-19 Ugu Geeryooday Magaalada Muqdisho.

0
490

Wasiirkii deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Dr. Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa cudurka Covid19 ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa maalmo kahor diyaarad looga Soo qaaday magaalada Garowe kadib markii xaaladiisa caafimaad ay soo xumaatay oo ay neef ku dhegtay Muqdishana Lagu Keena Si Xaaladdiisa Caafimaad Wax Looga Qabto Allaha U Naxariisto Dr Ismaaciil Diiriye Gamadiid.

Waxaa uu kamid ahaa wasiiraddii Puntland xanuunka uu ku dhacay markii ay arimaha gurmadka u joogeen magaalada Qardho.

Waa wasiirkii ugu horeeyay ee Puntland katirsan oo cudurka u geeriyooda.