Qarax Mar Labaad Lala Eegtay Gaarigii Jeneral Cali Xirsi Barre oo Usbuuc Gudihiis ah.

0
236

Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax maanta lala eegtay taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Janaraal Cali Barre Xersi “Cali Gaab”  xilli uu marayay waddada Afisoyooni meel ku dhow Iskuulka Almasal .

Wararku waxay sheegayaan in taliyaha qaraxa lala eegtay uu ka badbaaday, balse ay ku dhaawacmeen laba qof oo rayid ah oo mid kamid ah ay tahay haweeney waddada socotay.

Sidoo kale gaariga taliye Cali Gaab ayaa waxaa soo gaaray wax-yeello.

Waa markii labaad oo muddo hal isbuuc ah la qarxiyo taliyahaasi , waxaana horay qarax loola eegtay ku dhintay dhowr askari oo ilaaladiisa ah, xilliga qaraxaasi hore lala beegsaday Janaraal Cali Gaab ayaa waxa uu sheegay in uusan la socon gaariga.