Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay dhowr xaafadood oo ku yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay waddada marta dhabarka dembe ee barxadda iskaashatooyinka oo aan ka fogeyn dhismaha hooyooyinka ee degmada Xamar weyne
Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo durbaba gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa tilmaamay in sargaalkaasi iyo qof oo la socotay ay ku baxeen, sidoo kalena askari ilaalinayay uu ku dhaawacmay sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan.
Dhimashada sargaalkaan booliska ah ayaa kusoo aadeysa xilli laba jeer isbuucii lasoo dhaafay uu qarax ka badbaaday Janaraal Cali Gaab oo ah taliyaha hoggaanka caafimaadka booliska Soomaaliya.
Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo dhimashada sargaalkaan la xiriirta ee kasoo baxay taliska booliska Soomaaliya.











