M/weyne Waare oo Shacabka B/weyne Kala Kulmey Kacdoon Dad Weyne.

0
775

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare islamarkaana kusii jeeday deegaanka Jawiil oo 20km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Beledweyne ayaa waxaa banaanbax kaga horyimid dadka deegaanka Ceelgaal oo 13km waqooyi ka xiga magaalada Beledweyne.

Dadka deegaanka ayaa is hor-istaag ku sameeyay wafdiga madaxweynaha, waxaana deegaanka ka dhacay banaanbax lagu jaray dhamaan wadooyinka. Dadka deegaanka Ceelgaal ayaa lasheegay inaay ka gadoodeen wax qabad la’aan.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidanka dowlada iyo AMISOM oo dhinac ah  iyo dadka deegaanka uu dhexmaray is risaaseeyn kooban, waxaana ku dhintay qof kamid dadka deegaanka, dhanka kale warar hoose oo aan ka helnay maamulka ayaa sheegaya inaay jiraan qasaaro soo gaaray madaxda maamulka iyo ciidanka.

Inkastoo aan la’ogeeyn waxaa rasmiga ah ee dhaliyay qalalaasahan hadane dadka qaar ayaa inoo sheegay in safarka madaxweyne Waare aay ku hoos jireen arimo siyaasadeed oo saameeyn ku leh dadka deegaanka.