Isku Day Mar Kale Lagu Soo Ridi Lahaa Diyaarad Kenyaan ah oo Ka Badbaadey.

0
622

Diyaarad Kenyan ah, oo nambarkeedu yahay 5Y-VVA, ayaa dabley aan la aqoonsan ku rasaaseeyeen, iyadoo ku sugnayd magaalada Qansaxdheere, oo katirsan Gobolka Baay, Isniintii, 25-kii Maajo.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda oo siday agab bini’aadanimo ay dableydu xabbado qabadsiiyeen xilli ay kusii jeeday garoonka diyaaradaha Qansaxdheere ee gobolka Baay ee koonfur galbeed.

Ma jirto cid ay waxyeelo kasoo gaartay falkaan, balse rasaasta ayaa ka muuqatay oogada sare ee diyaarada.

Warbixinno hordhaca ayaa tilmaamaya in ay falkaan Al-Shabaab ku lug lahaayeen, iyagoo doonayay in ay diyaarada soo ridaan.

Warar kale ayaa sheegaya in falkaan ku lug leeyihiin ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Baay.

Tani waa markii labaad oo wax ka yar bil gudaheed in diyaarad Kenyan ah la weeraro iyadoo ku howlan gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimada.

May, 4teedii, ayay ahayd markii diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee fadhigeedu yahay Kenya, African Express, ay ku burburtay meel u dhow Bardaale oo katirsan gobolka Bay, halkaas oo ay ku dhinteen lixdii qof ee saarnaa diyaaradda.