Fatahaada wabiga Shabeelle uu ka geeystay magaalada Beledweyne ayaa saameeyn xoogan ku yeelatay shacabka magaalada iyo goobihii ganacsiga, waxaana sidoo kale xirmay isu-socodka dadka iyo gaadiidka.
Suuqyada ayaa xirmay, waxaa burburay inta badan guryihii aay dadku daganaayeen, waxaana magaaaladu aay wehel u tahay biyaha wabiga oo kusoo rogmaday.
Goobo ganacsi oo aad u kooban islamarkaana lagu iibiyo dharka raga iyo dumarka ayaa ka furan gudaha magaalada, waxaana la sheekeeysanay qaar kamid ah ganacsatada. “Ganacsi fiican kama jiro halkaan waxaan maalintii oo dhan noo yimaada dad yar, dadkii oo dhan waay barakaceen”. Sidaas waxaa yiri Cabdisalaan Cumar oo kamid ah ganacsatada dharka Beledweyne.
Marka laga yimaado ganacsiga, dadka barakacay ayaa wajahaya xaalad aad u adag oo dhinaca nolosha ah, waxaana aay inoo xaqiijiyeen inaaysan weli haaysan hooy, biyo nadiif ah iyo musqulo, mana jirto cid ilaa hada gargaar rasmi ah gaarsiisay shacabka ka barakacay fatahaada Beledweyne.











