Culimada Puntland oo Wali Diidan In La Xiro Masaajidda.

0
947

Culimada Puntland ayaa diidan in la xiro goobaha masaajida ee lagu cibaadaysto, kadib markii baaqyo kala duwan uga yimaadeen guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga faafitaanka cudurka Coronavirus.

Culimadu waxay ku adkaysanayaan in xaaladdu aysan weli gaarin heer goobaha cibaabada albaabada la iskugu laabo. Balse waxay dhaqan galiyeen in la koobo waqtiyada lagu negaanayo masaajida iyo in la joojiyo daruusyadii ka bixi jiray masaajida.

Xalay, madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa ku baaqay in masaajida hal hal qof loogu tukado iyadoo la ilaalinayo caafimaadka dadka. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la joojiyo salaadaha jimcaha ee masaajida.

Puntland weli wax kiis ah lagama helin. Inta badan dadkii cudurka laga baaray ayaa laga waayay. Laakiin dhibaatada waxay tahay iyadoo aysan Puntland haysan qalabkii lagu ogaanayay cudurka sida Muqdisho iyo Hargeysa.

Imaaraatka Carabta ayaa todobaad kahor Puntland u keenay qeyb kamid ah qalabka lagu baaro cudurka, waxaase ka maqan qeybtii ugu muhiimsanayd oo ah qalabka lagu ogaado natiijada baaritaanka cudurka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in labo maalmod kadib uu  qalabkaas ku imaandoono Garowe, taasoo ka saacidaysa in baaritaanka saa’ido, si degdeg ahna jawaabta lagu helo.