Soomaaliya oo Laga Digay Saameynta uu Ku Yeelan Karo Xanuunka Covid-19.

0
682

Hay’addaha gargaarka ayaa ka walaacsan in faafitaanka fayraska Coronavirus uu saameyn ba’an ku yeelan karo Soomaaliya marka la eego awooda looga hortagi karo, ogaashanshaha cudurka iyo wax ka qabashadiisa.

In ka yar 20 boqolkiiba xarumaha caafimaadka ayaa leh qalabkii iyo agabyadii loo baahnaa si loogu maareeyo cudurrada,

Warbixin kasoo baxday hay’adda isku xirka arrimaha gargaarka Qaramada Midoobay ee OCHA, ayaa lagu sheegay cudurkaan in uu carqaladayndoono awoodda hay’adaha samafalka in ay ka jawaabaan baahida bani’aadamnimada ee hadda jira.

Hay’addu waxay sheegtay, Kahor COVID-19, qiyaastii 5.2 milyan oo qof ay u baahan yihiin nooc ka mid ah gargaarka aadaminimo; waxayna tilmaamtay in lambarkan uu si xoog leh u kordhayo haddii fayrasku sii faafo.

OCHA waxay sheegtay, Dadka gudaha ku barakacay (IDPs), oo lagu qiyaasey 2.6 milyan, iyo saboolka magaalooyinka ay wajahayaan qatarta ugu weyn marka loo eego xaaladaha nololeed, tashkiilaadka nadaafadda oo aan ku filneyn iyo helitaanka daryeel caafimaad.

Kooxaha kale ee nugul waa waayeellada ama dadka waaweyn oo bulshada ka ah boqolkiiba 2.7. Faafida ayaa sidoo kale dhaawici karta bulshooyinka horeyba u ahaa cunno yarida ama ku noolaa meelaha ay ka jiraan heerar nafaqo daro aad u sareyso, iyo sidoo kale 35,000 oo qaxooti iyo magangalyo-doon ah oo inta badan ku nool Somaliland iyo Puntland, iyo sidoo kale kuwa dalkooda kusoo noqday.