Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku eedeeyay ganacsatada waaweyn ee Puntland inay ka baxeen ballan uu la galay oo ahaa in aanay kor uqaadin sicirka raashinka duruuriga ah, lagana faa’idaysan xaaaladdaha adag ee haatan lagu jiro.
Waxaa madaxweynuhu ugu baaqay ganacsatada inay dib isugu laabtaan oo ay xushmeeyaan ballanta, jebiyaana sicirka la kordhiyay. Wuxuu sheegay cidii baaqa maamulka ka hor timaada in tilaabo ku haboon laga qaadidoono.Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku amray guddiga arintaan loo xilsaaray inay warbixin rasmi ah ka keenaan cida sababtay qiimaha kordhay, si ay masuuliyaddeeda u qaadato.Inkastoo madaxweyne Deni uu caddeeyay in ganacsigu xor yahay suuqana uu xukumo, hadana wuxuu si cad u sheegay in waqtigaan la joogo dalka uusan xor ahayn oo cadowga aan muuqaan dagaal lagula jiro.“Maanta dalku xor ma ahan, cadow la yiraahdo Coronavirus ayaa kusoo duulay. Waxaan u dhaqmaynaa sidii inaan difaac ku jirno. Ganacsatada waxaan ka rabnaa inay nala qaadataan difaacaas oo dadka bala badbaadiyaan,” ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkaan ku sheegay shir jaraa’id oo uu caawo ku qabtay magaalada Garowe, isagoo ka warbixinayay dadaalada Puntland kaga hortagayso faafida cudurka Covid19.