Shan Boqol iyo Todobaatan iyo Afar Maxbuus oo M/weyne Muuse Biixi Cafis U Fidiyey.

0
330

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa 574 maxbuus cafis u fidiyey, kuwaas oo ku xukunnaa dambiyado aan waaweynayn.

Maxaabiistan ayaa loo cafiyey cudurkan Corona Virus awgeed si looga badbaadiyo maxaabiista ku jirta jeelasha oo hadii uu ka dilaaco dhibaato weyn u keeni karta.

“In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.