Qaar Kamid ah Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda oo Soo Dhaweeyey Heshiiska Madaxda Galmudug.

0
1279

Kulan Ay Maaanta Yeesheen Qaar Kamid ah Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Ayaa Soo Dhaweeyey Isfahamka iyo Taanaasulka ay La Yimaadeen Madaxda Galmudug ee Maamulkii Hore iyo Maamulka Dhawaan La Doortey ee uu Hogaamiyo M/weynaha Xilligan Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulanka oo uu Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Dalladda Isbaheysiga Xisbiyada ahna Gudoomiyaha Xisbiga M Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Timajilic Ayaa Aad Loogu Amaaney Talaabooyinka Hagaagsan ee uu Qaadey M/weyne Qoor Qoor Tan iyo Xiligii La Doortey Isagoo Waadahadal iyo Qancin La Sameeyey Cid Walba oo Wax Tabaneysey Waana Arrin Ku Dayasho Mudan oo M/weyne Axmed Qoor Qoor Looga Mahad Celinayo Ayaa Lagu Yiri Mar uu Warbaahinta La Hadlayey Gudoomiye Timajilic.

Ugu Danbeyntiina Xisbiyada ayaa Sheegay In ay Ka Qayb Geli Doonaan Caleema Saarka M/weyne Axmed Cabdi Kaariye Hadii Baa Layiri Gudiga Qaban Qaabada Caleema Saarka M/weynaha ay Ka Helaan Casuumaad Iyadoo Dhamaan Dadka Reer Galmudug Loo Rajeeyey Horumar iyo Barwaaqo In ay Ku Noolaadaan,Maamulkoodana Ku Kalsoonaadaan,islamarkaasna Ku Garab Istaagaan Horumarinta Gobolada Iyo Degmooyinka Hoos Yimaada Maamul Goboleedka Galmudug.