Maamul Cusub oo Loo Magacaabay Isbitaalka Beledweyne.

0
436
Wasaarada caafimaadka maamulka Hirshabelle ayaa isbitaalka Beledweyne u magacoowday maamulka cusub, waxaana agaasimihii hore loomagacaabay isku duwaha wasaarada caafimaadka Hirshabelle ee gobolka Hiiraan.
Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka Hirshabelle Cabdi Macalin Maxamed ayaa lagu magacaabay agaasimaha isbitaalka Beledweyne Dr. Maxamed Cumar Maxamed, waxaana agaasime kuxigeenka loomagacaabay Dr. Cumar Saneey Cabdi halka isku duwaha wasaarada caafimaadka loomagacaabay Dr. Axmed Maxamed Khaliif.
Wasaarada ayaa sheegtay in cabashooyin aay ka yimaadeen bulshada magaalada Beledweyne islamarkaana aay muhiim tahay in lataaba-galiyo howlaha caafimaadka Beledweyne taasina aay keentay in lamagacaabo maamulka cusub ee isbitaalka Beledweyne, waxaana masuuliyiinta cusub lagu amray inaay muhiimada saaraan baahiyaha caafimaad ee bulshada Beledweyne.
Isbitaalka Beledweyne oo ah isbitaal aad u balaaran islamarkaana aay ku xernaayeen dadka kunool guud ahaan gobolka Hiiraan ayaa xiliyadii dambe ladhibateeysnaa maamul xumo,dawo la’aan iyo dhaqaatiir la’aan. Sidoo kale isbitaalka ayaanan haaysan cid ka caawisa caqabadaha ku xeeran.
Maamulka cusub oo aay sugeeyso shaqa badan ayaanan la’ogeeyn sida aay ugu guuleeysan karaan soo celinta baahiyaha caafimaad ee aas-aasiga ah oo aay u baahanyihiin bulshada Beledweyne oo hada kuxeran goobaha caafimaad ee sida gaarka ah loo leeyahay.
Halkaan ka aqriso warqada magacaabista ah ee kasoo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka Hirshabeelle.