Magaalada Laascaanood oo Laga Bilaabey Olole Nadaafadeed Ka Hortaga Xanuunka Covid-19 awgeed.

0
785
Ololahan oo ku soo beegmay xili roobaadka Gu’ga oo bilaabashadiisii xiligii Illaahay looga bartay la joogo ayaa waxaa si wadajir ah u qabanaya dawlada Hoose ee degmada Laascaanood iyo hay’adda CARE.
Masuuliyiinta dawlada hoose iyo kuwa Caafimaadka oo ka hadlay ayaa waxay sheegeen in hawlgalkan ay uga dan leeyihiin in la baabiiyo gabaadka jeermisyada iyo wixii caawinayaba.
“Waxaan ka warhaynaa xaalada aduunku maanta maraayo, sidaa darteed waxaan isku deyeynaa in aan si wadajir ah looga hor tago gabaad kasta oo inoo helayo xanuunkan loo bixiyey COV-19,” sidaana waxaa yidhi gudoomiyaha degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xasan isagoo intaa raaciyey khatarta xanuunkan.
Sidoo kale isuduwaha wasaarada Caadimaadka, Xoghayaha Dawlada Hoose iyo waxgarad kala duwan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay bulshada ugu baaqeen in ay u tafaxaytaan nadaafada magaalada iyo toodaba si loo helo bulsho caafimaad qabta.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqda dadaal ay wadaan masuuliyiinta degmada iyo dhalinyaro iskood isu xilqaamay inay waxqabad iyo wacyigelinba wadaan.