Goob Dalxiis oo Loo Badelayo Xaruntii Hore ee Barlamaankii Soomaaliya.

0
666
Xaruntii hore ee Baarlamaanka ugu horreeyay dalka uu ku shiray ayaa maanta loo beddelay xarun ay bulshada u dalxiis tageyso ,taaso ku taal degmada Boondheere,iyadoo uu u dhagax dhigay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).
Maamulka, wuxuu ku sheegay dhigax dhiga in ay dowladda hoose ee Xamar ugu talagashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntan si bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda goobtaan oo ah xaruntii Barlamaankii ugu horeeyay ee Jamhuuriyda Soomaaliya ee 1964 .
Xaruntan ayaa sidoo kale ka mid noqon doonta goobaha loogu talagalay in lagu dabaal dago Maalmaha xorriyadda.
Munaasabadda dhaga- dhiga dhismaha Xarunta taariikhiga ah Baarlamaankii hore ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Boondheere iyo Mas’uuliyiin  kale oo ka tirsan maamulka gobolka.