M/weynihii Hore ee Galmudug Xaaf oo La Kulmey M/weyne Axmed Qoor Qoor.

0
320

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa markii ugu horeysay la kulmay oo soo dhoweeyay madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, oo horey u diidanaa doorashadiisa.

Xaaf, ayaa horey u sheeganayay inuu yahay madaxweynaha Galmudug, hase yeeshee xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka ayaa ugu tagay Gaalkacyo islamarkaana ku guulaystay inay is horkeenaan isaga iyo madaxweyne Qoor qoor iyo ku xigeenkiisa.

Madaxweyne Xaaf ayaa loosoo jeediyay inuu tanaasul sameeyo islamarkaana danta Galmudug lagu hilmaamo khilaafyadii horey loosoo maray ee kala qeybiyay saamileyda Galmudug.

Waxaa la filayaa inay kulan gaar ah wada yeesheen Qoor qoor iyo Xaaf islamarkaana ay si wadajir ah ula hadlaan saxaafada.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa doonaya in caleemo saarkiisa kasoo qeyb galiyo dhammaan dhinacyadii doorashadiisa ka hor yimid.