Gudoomiyihii Xilka Laga Qaadey ee G/hiiraan Carraale oo Sheegay In Lasoo Weerarey.

0
210
 Gudoomiyahii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo weli kujira xarunta gobolka islamarkaana diidan xilka qaadista ayaa sheegay inaay weerar kusoo qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Caraale ayaa sheegay in ciidanku aay risaaseyeen guriga uu deganyahay islamarkaana arinkaas aay qaboojiyeen ciidanka AMISOM, waxaana uu intaas ku daray in aay lawareegeen xarunta gobolka oo uu ku tilmaamay inaay tahay xaruntii hore ee gobolka.
“Ciidan ilaalo u ah madaxweeyne Waare ayaa igusoo weeraray guriga gobolka waxaay rideen rasaas badan waxaana xaalada qaboojiyay ciidanka AMISOM, waxaan ciidamada kala duwan ee gobolka ugu baaqayaa inaay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo amniga gobolka. Waare waxaan isku haaysanaa waa arimo laxariira dastuurka, waxaana dowlada iyo hay’adaha sharciga ka codsanayaa inaay soo faragaliyaan qilaafkan” ayuu yiri Cali Caraale.
Hadalka ku aadan weerarka oo aan ka wareeysanay dadka ka agdhaw xarunta gobolka ayaa sheegay inaay maqleen rasaas kooban oo dhaceysa islamarkaana aaysan xaqiijin karin qaabka aay wax u dhaceen maadama xarunta gobolka aay tahay aag u xeran ciidamada AMISOM iyo kuwa militiriga Soomaaliya. Dhanka kale laamaha amniga ayaa ka gaabsaday inaay ka hadlaan rasaasta kadhacday xarunta gobolka.
Gudoomiyahii xilka laga qaaday Cali Caraale ayaa degan hooyga aay degaan madaxda loosoo magacaabo inaay hogaamiyaan shacabka gobolka Hiiraan, waxaana hadalkiisa uu kusoo aadayaa xili shalay xarunta gobolka uu shir ku qabtay gudoomiyaha cusub Cali Jeeyte Cismaan.
Dhawaan ayeey aheyd markii madaxweynaha Hirshabeelle uu xilka ka qaaday Cali Maxamed Caraale isagoo soo magacaabay Cali Jeeyte Cismaan. Mana ahan markii ugu horeeysay oo qilaaf uu kadhasho xil wareejinta gobolka Hiiraan waxaana sidan oo kale sameeyay gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.