Qalab Lagula Dagaalamo Xanuunka Covid-19 oo Wasaarada Caafimaadku Qaybisay.

0
368

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda federalka Soomaaliya, ayaa  maanta bilowday qeybinta qalab caafimaad oo loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19).

Waxaa maanta qalabkaan lagu wareejiyay Punland iyo Somaliland, waxaana qorshaysan in loo sii dhiibo qoondadooda Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wasiirka caafimaadka Puntland Jamac Farax Xasan ayaa garoonka diyaaradaha Adan Abdulle Cismaan kula wareegay intii Puntland laga siiyay, qalabka kahortagida iyo u diyaar garowga Caabuqa Corone-Virus oo maalmo kahor Dawladda Faderaalka Soomaaliya kasoo gaaray Maalqabeen u dhashay Shiinaha.

Maanta ayaa lagu wadaa inay Garowe soo gaarto, masuuliyiinta wasaaradduna ay kula wareegaan garoonka Gen. Mohamed Abshir.

Qalabkaan ayaa wasaaradda caafimaadka Puntland ka caawin doona la tacaalida bukaanada laga helo xanuunka ama kuwa looga shakiyo ee la galiyo Karantiilka.

Shalay ayay ahayd markii warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen wasaaradda caafimaadka dawlada federaalka iyo wasiirada dawladaha xubnaha ka ah ay ku sheegeen inay ubaahanyihiin lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar si loola tacaalo xanuunka Covid-19.