Masaajidda Puntland oo Muddo Labo Wiik ah La Amrey In La Xiro.

0
8

Puntland ayaa amar ku bixisay in la xiro masaajidda muddo 2 usbuuc ah si looga digtoonaado halista Caronavirus.

Wasiirka wasaaradda Cadaalada iyo arrimaha diinta Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo ka hadlay shir jaraa,id oo ay qabteen guddiga hortaga covid-19 ayaa amarkaan ku shaaciyey.

Wasiirku wuxuu sheegay inay qaadayaan tilaabo kasta oo ay Puntland uga hortagayso in cudurku soo gaaro degaanadooda.

Puntland waxay horey albaabada ulaabtay xarumaha waxbarashada, sidoo kale waxay fasaxday shaqaalaha dowliga ah.

Masaajida waa meelaha ugu badan ee dadku iskugu yimaadaan maalin kasta. Meelo badan oo kamid ah ayaa la xiray xarumaha lagu cibaadaysto.

Waxaa kamid ah Masjidka Qudus ee kuyaala dhulka reer Falastiin oo ah masjidka saddexaad ugu weyn dunida islaamka.