Caabuqa Covid-19 oo Laga Helay R/wasaarihii Dalka UK

0
103

Raysal Wasaaraha Ingriiska Boris Johnson, ayaa laga helay cudurka Coronavirus, sida ay goor dhowayd shaacisay dowladda.

Boris Johnson ayaa illaa khamiistii dareemayay xanuun iyo calaamadaha cudurka, waxaana tijaabo laga qaaday lagu xaqiijiyay inuu qaaday caabuqa covid 19

Dowladda Ingriiska qoraal ku sheegtay in raysal wasaaruhu uu si iskiis ah isku karantiilaya’

“Waxaa iska qaaday tijaabo, waxaa la iga helay cudurka, waxaan shaqada kasii wadayaa guriga. Waan iskarantiilay,” ayuu yidhi Boris Johnson oo muuqaal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka.