Wariye Ka Tirsanaa TV,ga Universal Oo Caawa Lagu Dilay Degmada Afgooye

0
349

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in caawa lagu dilay Wariye Cabdiweli Cali Online, oo ka mid ahaa Saxafiyiinta degan degmadaasi.

Wariyaha ayaa daqiiqado ka hor u geeriyooday rasaas ay qaybaha sare ee jirkiisa kala dhaceen kooxo hubeysan, oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin.

Wariyaha ayaa Degmada Afgooye uga soo warami jiray Universaltv iyo Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Dilka Wariyaha ayaa ku soo aadaya, xilli maalintii Arbacada ay Hay’adda Amnesty International sheegtay in ay Dowladda Somaliya qayb ka tahay dhibaatooyinka dalka loogu gaysto Saxafiyiinta.

Ururka Al Shabaab ayaa lafdhabar u ah kuwa dhibaatada joogtada ahi dalka ugu gaysta Saxafiyiinta, sababo ku aadan iyagoo ka horyimaada inay baahiyan wararka ka dhan ah.

Maamulada dalka ka jira oo sidoo kale ku lug leh caburinta ka dhanka ah Saxaafadda ayaa waxaa lagu dhaliilaa inaysan dulqaad u lahayn kolka warar liddi ku ah ay tebiyan Wariye-yaasha.

Somaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoo loogu gaysto handadaad/cago jugleen, xarig iyo dilba.