Soomaaliya oo Loo Qiray In ay Buuxisay Shuruudihii Dayn Cafinta.

0
789

Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii Bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan.

Guddiga sare ayaa soo dhaweeyay dadaalka dowladda FS ee lagu hagaajinayo xariirka Soomaaliya iyo hey’adaha deymaha ku leh iyo sidoo kale nadiifinta deymaha, waxayna isku raaceen in qiimeynta la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan US$5.3 billion ee lagu leeyahay.

Kulamadii guddiga sare ee IMF ay yeesheen February 12, 2020, Kristalina Georgieva, oo ah agaasimaha maamulka iyo IMF ayaa caddeysay in Soomaaliya ay kasoo baxday imtixaankii ayna u qalanto in daynta laga cafiyo.

Madaxweynaha Baniga adduunka, David Malpass ayaa kadib kulanka guddiga sare ee Baniga adduunka ee maanta dhacay waxuu shegay in maanta tillaabo wanaagsan loo qaaday in Soomaaliya ay dib u anba qaado in maaliyad ay ka hesho hey’adaha maaliyadda caalamka, waxuuna Soomaaliya ugu hambalyeeyay dib-u-habeynta ay sameysay, isaga oo u mahad celiyay saaxiibada caalamka ee gacanta ka geystay guusha la gaaray.

Bangiga Addunka iyo IMF ayaa qiray in iyada oo ay jiraan caqabado waaweyn oo ku hor gudbanaa in horumar laga sameeyo dadaallada socday, ay Soomaaliya ku guuleysatay imtixiinkii xilliga dheer ay ugu jirtay nadiifinta deymaha lagu leeyahay, waxayna isku raaceen inay Soomaaliya si guul ah ku gaareyso barta go’aan gaaridda ee dhamaadka bisha Maarso ee 2020.

Waxay caddeeyeen in gaaridda barta go’aanka ay u baahantahay wadashaqeyn gudaha ah, taageero ka timaada saaxiibada Soomaaliya iyo dhinacyada deymaha ku leh dalka oo si wadajir ah uga qayb qaata.

“(Arrinta dhacday) maanta waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo loo qaaday in Hay’adaha dhaqaalaha ee caalamiga ah ay dib dhaqaale u siiyaan Soomaaliya, kuwaas oo uu ku jiro IDA oo ah sanduuqeenna loogu talo galay dalalka ugu faqiirsan caalamka.

“Waxaan ugu hambalyaynayaa Soomaaliya dhaqan gelinta dib-u-habaynta muhiimka ah oo wax badan ka qaban kara in si joogto ah loo yareeyo faqriga, sidoo kale, waxaan u mahad celinayaa saaxibbaneeda caalamiga ah ee nala shaqeeyay si aan Soomaaliya u gaarsiinno heerkaan muhiimka ah”.

Waxaan aad ugu faraxsan nahay in aan si dhow ula shaqeynay Dowladda Federaalka Soomaaliya si aan uga caawinno horumarka ay sammaysay sanadihii la soo dhaafay, waxaana rajaynayaa Fursado kale oo waawayn oo Bangiga Adduunku uu ku taageero shacabka Soomaaliya” ayuu yiri David Malpass, madaxweynaha Bangiga adduunka.

“ Heshiiska maanta ee guddiga fulinta Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ee ah in Soomaaliya ay buuxin karto shuruudaha dayn cafinta ayadoo la raacayo Masharuuca HIPC wuxuu calaamad u yahay dhacdo taariikhi ah.”.

Wuxuu bixinayaa aqoonsi cad oo ku saabsan ka go’naanta joogtada ah ee Somaaliya ay ku sammaynayso dib-u-habayn dhaqaale iyo mid maaliyeed si waafaqsan barnaamijyadii is-xigxigay (SNP) ee IMF.

Caawinta Soomaaliya si ay u xaqiijiso in daynta laga cafiyo iyo in loo oggolaado in ay hesho kheyraadka ay u baahan tahay si ay xoog ugu kobocdo, una yarayso faqriga waa muhiimadda koowaad ee IMF,Aad ayana u bogaadinayaa xubnaheenna taageerada ay ku bixiyeen guushan” Kristalina Georgieva oo ah Agaasimaha fulinta iyo ku simaha guddoomiyaha IMF.