Kalluumeysato Ku Dhintay Dabeylo Ku Dhuftay Xeebaha Muqdisho.

0
279

Ugu yaraan lix ka mid ah kaluumeysatada doomaha yar yar ku jillaabta ayaa ku dhintay, kuwo kale waa lagu la’ayahay xeebaha magaalada Muqdisho, ka dib markii dabeylo ay kaluumeysatadu ku sheegeen kuwo aan waqtigan looga baran, ay xeebaha ku dhufteen.

Ruux ka mid ah dadkii kasoo badbaaday moojadaha ka dhalatay dabaysha ka kacday bada ayaa sheegay in ay qasaaro xoogan ay geesatay dabeysha kacday wuxuuna tilmaamay inaysan jirin wax gurmad ah oo ay ka heleen dowlada federaalka.

Dabeylaha xoogan oo haatan ka dhacay xeebaha magaalada muqdsho ayaa dadka qaarkii waxa ay ku sheegeen Inaysan aheyn mid looga bartay waqti tirsiga Xiliyaadka kala duwan kaasoo ay kalluumeesatada ka baaraan dagi jirtay,tanina waxay noqoneysaa mid kadis ku ah jalaabatada xeebaha muqdisho.