Sheekh Maxamed Mutumba ayaa argagaxay markii uu ogaaday in qofka xijaabka xiran ee uu u heystay xaaskiisa uu yahay nin lagu magacaabo Richard Tumushabe.
Wadaadkan, oo sida la sheegay la khiyaanay, ayaa u maleynayay inuu guursaday haweeney la yiraahdo Swabullah Nabukeera, sida uu faahfaahiyay wargeyska.
Xogtan, oo sheekadeeda si weyn loo hadal hayay maalmihii lasoo dhaafay, ayaa lagu sheegay in khiyaanada shaaca laga qaaday ka dib markii ay boolisku xireen Tumushabe, oo lagu tuhmay inuu telefishin iyo dhar ka xaday guri daris la ah guriga cusub ee xaas ahaanta loo dajiyay.

“Durbaba waxaan ninka la xiray kusoo oognay dacwado isugu jira, khiyaano muuqaal baddalis ah, tuugnimo iyo inuu si sharci darro ah qalab ku qaatay isagoo been ka sheegaya aqoonsigiisa saxda ah”, ayuu yiri Mr Mugera, oo lasoo xigtay.
Wargeyska Daily Monitor ayaa soo tabiyay in Sheekh Abdul Noor Kakande, oo ah qaaddiga gobolka, uu dhacdadan ku tilmaamay mid nasiib darro ah, haddana baaritaanno lagu wado imaamka.

Waxaa kale oo lagu soo warramay in Sheekh Isa Busuulwa, oo ah imaamka ugu weyn masjidka uu sheekh Mutunba khudbadaha ka jeedin jiray, uu sheegay in hadda xiriirka loo jaray wadaadkaas, iyadoo la dhowrayo sharafta muslimiinta iyo diinta Islaamka.
Daily Monitor ayaa intaas ku daray in Sheekh Mutunba uusan gurigiisa tagin afartii maalmood ee lasoo dhaafay.
“Aad buu ugu niyad jabay waxa dhacay, wuxuuna u baahan yahay in la talin loo sameeyo”, waxaa sidaas laga soo xigtay ilo-wareedyo aan la magaacin.
Laakin ilaa iyo hadda lama sheegin cidda kale ee ku lugta lahayd dhacdadaas, ama suurtagalisay in sheekha nin loogu baddalo gabadhii uu guursanayay.










