Gen. Qasem Suleimani oo Maanta Lagu Wado In La Aaso.

0
742

 Maanta ayaa lagu waddaa in la aaso Meydka Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa ciidamada Quds ee Iran, kaas oo uu Mareykanka ku dilay duqeyn dhanka cirka ah.

Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in meydka Jeneraal Qasem Suleimani la geeyay magaalada uu kasoo jeedo ee Kerman, halkaasi na lagu aasi doono maanta oo talaada ah.

Waxaa la filayaa in Aaska Meydka Jeneraal Qasem ka soo qeybgalaan dad aad u tira badan oo uu kamid yahay hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatullahi Cali Khumanein, Madaxaweynaha Iran, Xassan Ruxaani iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa maanta soo dhameynaya saddexdii cisho ee baroordiiqda ahayd ee loo sameynayay Qasem iyo dadkii kale ee lala dilay.

Aaska ayaa ka dhacaya magaaladii uu ku dhashay ee Kerman oo ku taala Koonfur Barri ee dalka Iiraan.

Hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatullah Cali Khumanein oo ilmeynayay xilli uu ka qeybgalayay baroordiiq loo sameynayay Qasem ayaa sheegay in Iran ay u aargudi doonto Jeneraalka la dilay.

Dowladda Iiraan ayaa wacad ku martay in ay u aargudi-doonto Jeneraal Qasem halka dhanka kale madaxweyne Trump uu ku goodiyay Iiraan cawaaqib aan wanaagsaneyn In ay kala kulmi doonto haddii ay tallaabo militari qaado.