Ciidamo Dowlada Ka Tirsan Oo Qarax Lagula Eegtay Jidka Balcad Iyo Jowhar.

0
67

Sida ay sheegeen ilo wareed ku sugan magaalada Balcad, qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda oo marayey Degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad.

Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah. Gurmad ayaa la sheegay inuu socdo, kaasi oo lagu daadguraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi.

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha warkan waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allah.