Xisbiga Wadajir oo Xus Duco ah U Sameeyey Dhalinyaradii Lagu Laayey Xarunta Xisbigaasi.

0
1305

Xarunta Xisbiga Wadajir ee Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa Ka Dhacey Munaasabad Duco ah Dhalinyaro Kal Hore Ciidamada Dawladda Federalku Ku Xasuuqeen Xarunta Xisbiga ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ay Kasoo Qayb Galeen Xildhibaano,Madaxda iyo Xubnaha Xisbiga Wadajir,Madax Kasocotey Xisbiyada Dalka,Oday Dhaqameedyo,Musuuliyiin iyo Qaybaha Bulshadda,ayaa Ugu Horeyn Waxaa Ka Hadley Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo aad Ugu Dheeraadey,Gabood Falka iyo Xasuuqa Ay Gaysteen Ciidamo Shaati Dawladeed Wata,Isla Markaasna aan Ilaa Hada Wax Garawshiyo Caddaalad aaney Haynin.

Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Munaasabadda Ka Hadley Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Saciid iyo G/kuxigeenka Xisbiga Sayid Cali Macalin Cabdulle oo Labaduba Sheegaey In aysan Waligood Ka Hari Doonin Dhacdadan Foosha Xumeyd Illaa Caddaaladda La Keeno Dadkii Falkaas Geystey iyo Kuwii usoo Direyba,Iyagoo Intaas Ku Darey In ay Aarsan Karaan Balse ay Door Bideen In La Dhawro Dawladnimada iyo Xasiloonida Dalka.

Waxaa iyaguna Goobta Ka Hadley Xildhibaano Ka Tirsan Barlamaan Federalka Soomaaliya,Odayaal Dhaqameed,Qaar Kamid ah Madaxda Axzaabta Dalka,Taliyihii Hore ee Nabadsugida Qaranka Sanbaloolshe,iyo Xubno Ka Kala Socdey Qaybaha Bulshada Iyagoo Dhamaantood Cambaareeyey Falkaas Bahalnimada ah ee ay Hadana Ku Muteysteen Kuwii Ficiladas Qaadey Dalacsiin iyo In Kor Loo Sii Qaado,La Xisaabtan iyo Caddaalad La Horgeeyo Iskaba Daaye.

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga ahna Xiriiriyaha Axzaabta Cali Maxamed Nuux Ayaa Ducada Marxuumiinta Kadib Codsadey In Xoriyadiisa Loo Soo Celiyo Gudoomiyihii Xisbiga Amniga iyo Caddaaladda Yuusuf Xasan Mursal oo Ciidamada Amnigu Gurigiisa Kala Baxeen,Iyadoon Qawaaniinta Dalka Loo Marin Xariggiisa.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun allaha U Naxariisto Janadii Fardawsana Rabi Haku Waariyo Shuhadadaas Xaq Darada Lagu Laayey Illaa Hadan aan La Ogeyn Halka Lagu Aasey Macaa Kabahoodi Ayaa Gaban Gabadii Goobta Laga Yiri.