Xisbiga Midnimo Qaran oo Qado Sharaf U Sameeyey Ku Dhawaad 35 Xisbiyada Dalka ah.

0
1001

Xisbiga Midnimo Qaran Ayaa Maanta Qado Sharaf Ugu Sameeyey Inta Badan Axzaabta Haysta Diiwaangelinta Kmg ah Magaalada Muqdisho,Iyadoo Gudoonka Xisbigu Sheegay In Ujeedka Qadadu Ahaa In Xisbiyadu Fursad Usu Helaan Kana Hadlaan U Diyaar Garawga Doorashooyinka 2020-2021 Dalka Ka Dhici Doona iyo Hannaanka Doorasho ee La Qaadan Karo.

Madaxda Xisbiyada Ayaa Ka Mahad Celiyey Kulanka iyo Qado Sharafta uu Sameeyey Xisbiga Midnimo Qaran Gudoomiyaha Xisbiga M/Q C/risaaq C/llaahi Waaberi iyo G/kuxigeenka 1’aad Ibraahim Saalax Dayfallah,oo Mar Kasta Hormuud U Ah Abuurista Kulamada iyo Wada Tashiga Xisbiyada Ayaa Soo Jeediyey In Laga Hadlo Habka Ama Modelka Ugu Habboon ee Dalku Doorasho Ku Geli Karo Xilligan La Joogo.

Axzaabta Ayaa Dood iyo Falanqeyn Dheer Kadib Isku Af Gartey Qodobada Soo Socda oo uu Warbaahinta U Aqriyey Gudoomiye C/risaaq Waaberi:–

In Dalka Doorasho Qof iyo Cod ah Ka Dhacdo Marka La Gaaro Waqtigeeda.

In Wax La Yiraa Muddo Kororsi Iyo Ku Darsi Aaney Xisbiyadu Ogoleyn.

In Mudanayaasha Barlamaanku Meel Mariyaan Xeerka Doorashooyinka Qaranka,Tixgeliyaana Heshiiskii Dawladda Dhexe iyo M/goboleedyadu Ku Gaareen Baydhabo 05 Juun 2018 ee Tilmaamayey In Dalku Doorasho Ku Galo Habka Ama Nuuca Doorasho ee PRka Kaasoo ah Hal Deegaan Doorasho Dalka Dhamaantiis.

Madaxda Axzaabta ayaa Uga Digay Xubnaha Barlamaanka In aysan Dalka Mugdi iyo Khal Khal Amni Darro Aan La Gelin,ayna Dhiiri Geliyaan Dimuquraadiyada Iyo Nidaamka Xisbiyada Badan, Is Ogol Aaminaad Ku Dhisan ay Lagama Maarmaan Tahey,Isla Markaasna Xisbiyadu Sii Wadaan Wadatashiyada,iyo Ka Baaraan Degidda Arrimaha Masiiriga ah ee Dalka.