Shirweynihii Xisbiga Midnimo Qaran oo Galabta Lasoo Gaban Gabeeyey(Daawo Sawirro).

0
1374

Munaasabad Si Heer Sare ah Loo Soo Agaasimey oo Lagu Soo Afjarayey Shirweynaha Xisbiga Midnimo Qaran oo Muddo Afar Cisho ah Muqdisho Xisbiga uga Socotey ayaa Waxaa ay Galabta Ka Dhacdey Magaalada Muqdisho Hotel Ku Yaal.

Gunaanadka Shirweynaha oo ay Kasoo Qayb Galeen,Gudoonka Xisbiga,Xubnaha Golaha Fulinta,Xisbiga Golaha Dhexe,Wakiilada M/goboleedyada,Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada Xisbiga iyo Ergooyin ka Kala Yimid Gobolada iyo Degmooyinka Dalka,Madax Ka Socotey Qaar Kamid ah Axzaabta Qaran ee Dalka Odey Dhaqameedyo iyo Marti Sharaf Lagu Casuumey Goobta Ayaa Ugu Horeyn Lagu Daah Furey Aayadaha Qur;aanka Kariimka ah.

Gudoomiye Kuxigeenka 1’aad ee Xisbiga Midnimo Qaran Ibraahim Saalax Deyfallah ayaa Ugu Horeyn Ka Warbixiyey Waxa uu Kulanku Ku Saabsanaa iyo In Xisbigu Soo Gaban Gabeeyey Shirweynaha Xisbiga oo Mudo Afar Maalin ah Xisbiga uga Socdey Magaalada Muqdisho Guulna uu ugu Soo Dhamaadey Allaah Mahadi Masuuliyiinta iyo Ergooyinka Fadhiya iyo Dadka Soomaaliyeedna ay La Wadaagayaan Go’aanadii iyo Baaqyadii Shirweynaha Kasoo Baxey.

Wakiiladii Maamul Goboleedyada Xisbiga Iyo Garabyadii Haweenka Iyo Dhalinyarada ayaa iyaguna Ka Hadley Dareenkooda Hawlaha Xisbiga iyo Sida ay Ugu Faraxsanyihiin Gaban Gabada Shirweynaha Xisbiga Iyagoo Balan Qaadey In ay Laban Laabi Doonaan Hawlaha Xisbiga oo Xilligan Meel Fiican Maraya.

Sidoo Kale Waxaa Goobta Ka Aqriyey Go’aanadii Iyo Baaqyadii Shirweynaha Xisbiga Kasoo Baxey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Midnimo Qaran oo Lagu Magacaabo Carabaw,Waxaa Iyana Goobta Ka Hadley, Amaan iyo Bogaadina U Jeediyey Madaxda iyo Xubnaha Xisbiga Midnimo Qaran Gudoomiyaha Xisbiga Garsoor Xildhibaan Sakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi,Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Timajilic Ahna Xiriiriyaha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Xisbiga SNU Dr Cali Cumar Abati,iyagoo Ugu Baaqey Barlamaanka Federalka Soomaaliya In ay Meel Mariyaan Xeerka Doorashooyinka Dalka oo Kusaleysan Modelka PR.

Ugu Danbeyntiina Waxaa Kulanka Soo Gaban Gabeeyey Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran C/risaaq C/llaahi Waaberi oo u Mahad Celiyey Xubnaha Qabaqaabada Shirweynaha iyo Ergooyinkii Shirweynaha Kasoo Qayb Galey iyo Marti Sharafta kale ee Axzaabta Kale Ka Socdey,isagoo Ku Booriyey Xubnaha iyo Golayaasha Xisbiga In ay Hawlahooda Dardar Geliyaan Kana Codsadey Madaxda M/goboleedyada In ay Xisbiya u Ogolaadaan Xafiisyadooda iyo Kulamada Xubnaha Xisbiyada Sida Buu Yiri ay Shaacisey M/puntland oo aan aad usoo Dhaweyneyno kuna Amaaneyno Talaabadaas Wax Ku Oolka ah ee ay Qaadeen Madaxda iyo Maamulka Puntland.

Gudoomiye C/risaaq Waaberi oo Madasha Ka Jeediyey Khudbad Dheer oo Dhinacyo Badan Taabaneysey ayaa Ku Dheeraadey Sidii Loo Dhiiri Gelin Lahaa Wax Soo Saarka Dalka,Lagana Faa’iideysto Wax Soo Saarka Dalagga Beeraha,Kalluumeysiga iyo Warshadaha,Lana Helo Quality Control Xagga Dawooyinka iyo Cuntooyinka Dalka Soo Gala,isla Markaasna Ganacsatada Loo Fududeeyo Dhoofinta iyo Soo Dajinta Badeecooyinka Si Dalku u Helo Dakhli iyo Cashuuro aynu Isku Filnaasho Ku Gaarno,Isagoona Ugu Danbeyn Amaaney Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Manhajka Waxbarasho ee Dalka oo ay Mideysay,Wuxuuna Kulanku Kusoo Idlaadey Jawi Hagaagsan iyo Farxad.