Gudoomiyihii Xisbiga Amniga iyo Caddaalada Yuusuf Xasan Mursal oo Gurigiisa Galabta Lagala Baxey.

0
1189

Yuusuf Xasan Mursal oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Amniga Iyo Caddaaladda ayaa Sida Lagu Soo Waramayo Waxaa Gurigiisa Kala Baxey Ciidamo Loo Maleynayo In ay Ka Tirsanyihiin Nabadsugida Soomaaliya.

Lama Oga Sabata Ka Danbeysa in Gudoomiye Mursal Gurigiisa Lagala Baxo Iyadoo Aan Sida La Sheegay wax Amar Maxkameed ah Aan Loo Haysan Taas oo Ka Dhigan Xadgudub Aan Waafaqsaneyn Qawaaniinta Dalka U Degsan.

Ma Jirto Cid Ka Hadashey Xarigga Guddoomiyaha iyo Haydaha Amnigu Wax War ah oo ay Kasoo Saareen,Walaw aan Isku Dayney In aan La Xiriirno Qaar Kamid ah Saraakiisha Amniga Hadana Nooma Suura Gelin In aan Helno Cid Ka Hadasha Xariggiisa oo La Xaqiijiyey Mooyee.

Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha Xarigga Gudoomiyaha Iyo Sababta Loo Xireyba Waan Idinla Wadaagi Doonaa Waqtiyada Soo Socda Insha allaah.