Urur goboleedka IGAD ayaa raiisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok u doortay inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee urur goboleedka Igad.
Go’aanka, ayaa lagu gaadhay is afgarad, intii lagu guda jiray shirka IGAD uga socda caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, waxaana loo arkaa go’aan ku yimid tanaasul kadib markii Kenya iyo Jabuuti isku khilaafeen kursiga.
Dalka Suudaan ayaa xilkaan sii hayn doona muddo hal sano ah, taasoo ka dhigan in raysal wasaare Hamdok uu xafiiska joogidoono bilo un.
Abdalla Hamdok ayaa ah madaxa dawladda ku meel gaarka ah ee la aasaasay markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir.
Raiisel wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa kursigaas fadhiyey tan iyo markii uu xukunka la wareegay bishii Abriil 2018.










