M/weynaha Soomaaliya oo Shir Uga Qayb Galaya Addis-Ababa Dalka Ethiopia.

0
107

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedka Urur gobolleedka IGAD, waxaana shirkan dhinaca Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya  xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo Nabad Galyada.

Madaxda IGAD ayaa inta uu shirku socda iska xog wareysan doona qorsheyaasha  lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo Waddamada  Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u  xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in uu khudbad  ka jeediyo Shirkaas,isaga oo diiradda ku saari doono aragti siyaasadeed oo wanaagsan iyo warbixino ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Inta shirka lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka qeyb galaya shirka.