Xildhibaan Maxamed Warsame oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland ayaa guud ahaan iska casilay xubinimadiisii, warqad uu soo diray oo laga hor akhriyay golaha ayuu xildhibaanku ku sheegay in sababo isaga u gaar ah uu shaqada ugga tagay.
Xildhibaanada Baarlamanka ayaa cod gacan taag ku aqbalay is casilaada Xildhibaan Maxamed Warsame, Faysal Cumar Gees-diir ayaa lagu wadaa in uu booskaan buuxiyo kuna soo biiro xubnaha baarlamaanka Puntland.
Xildhibaanka is casilay ayaa ka mid ah xubnaha baarlamaanka Puntland kasoo gala Gobolka Bari.






