Waziir Cawad:- “Uhuru Iyo Farmaajo Wey Isku Waafaqeen In Kiiska Badda Looga Dambeeyo ICJ.

0
385

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa wuxuu waxba kama jiraan ka soo qaaday hadalka ka soo yeeray dhigiisa dalka Kenya, ee ahaa in labada dhinac ku heshiiyeen in dacwadda badda lagu dhameeyo qaab ay labada dhinacba ku wada qanci karaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Madaxweyne-yaasha Somaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in khilaafka badda looga xaalo hab labada dhinacba raali gelin kara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay ku heshiiyeen in la soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, in la la soo celiyo duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, meeshana laga saaray duulimaadyadii mari jiray Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo in dadka Soomaaliyeed ee Visaha dal ku galka Kenya ka qaataan Garoonka Nairobi.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu cadeeyay in murunka la xiriira dacwadda badda labada dal ee hortaala Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ) aanu saamayn ku yeelan xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay isu waafaqayn in dacwadda badda looga dambeeyo Maxkamadda ICJ.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo wax laga weydiiyay hadalka ka soo yeeray Monica Juma ayaa ku adkeystay in labada dhinac ay isu afgarteen in la wanaajiyo xiriirka labada dal, isla-markaana aanu wax saamayn ahi ku yeelan kiiska ay gacanta ku hayso Maxkamadda ICJ.

Hadalka Monica Juma oo mid loo qaateen ah ayaa wuxuu Wasiir Cawad uu Soomaalida ku eedeeyay inay jecel yihiin inay rumeystaan hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, isla-markaana aanay ku qancin jawaabta Wasiirkooda.

“Aniga dhigeeda baan ahay, Soomaalida waxay jeceshay inay Wasiirka kale maqasho, sababta Wasiirka dalkeeda u maqli waayaan waa su’aalo u baahan in nafteenu fiirino. Gabadha Wasiir weeye, anigana Wasiir baan ahay, waxaan kuu sheegayaa waxyaabihii lagu wada hadlay, waxaan kaloo kuu sheegaya in Madaxweyne-yaasha oo Wasiirada ka muhiimsan oo iyagu madaxda ugu sareeya dalalkaas ah in codadkooda duubnan yihiin.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya.

Marka ay noqoto ka hadal kiiska badda oo mid xasaasi ah ayaynaan Madaxda Soomaaliyeed ku dheeraan ka hadalkiisa, waxayna ku celceliyan inay xalka murunka badda dawadiisu tahay Maxkamadda ICJ, isla-markaana ay ku qanacsan yihiin go’aanka Garsoore-yaasha Maxkamadda.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ku jahwareersan halka ay ku biyo shuban doonto arrinta badda, iyadoo uu dareenkooda kiciyo shakiga ay Siyaasiyiinta Soomaalida ka muujinayan Siyaasadda Villa Somalia ee ku aadan kiiska badda iyo hadalada ay Madaxda Kenyanka ugu laab qaboojinayan dadkooda.