GMDQ Oo Ballanqaad Ka Helay Xukuumadda In Doorashada Lagu Qabandono Waqtigeeda.

0
1292

Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa waxay Xukuumadda Somaliya ka haystaan ballanqaad ku aadan in Doorashooyinka Qaranka qabsoomi doonaan xilligii horey loogu muddeeyay.

Qoraal uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa loogu mahadceliyay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo shirkii 12kii bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho ka sheegay in Doorashooyinka Qaranka la qaban doono xilligooda 2020/2021.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka uu cadeeyay in Xukuumadda Somaliya bixin doonto saamigeeda kaga aadan qabsoomidda Doorashooyinka, oo ah qiimo lacageed oo dhan toddobo milyan oo dollar, lacagtaasi oo la siinayo shaqaalaha waqtiga diiwaangelinta ee codbixiye-yaasha.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa deeq bixiye-yaasha caalamka ka codsaday in kharashka Doorashooyinka Dalka ku bixiyan waqtiga ugu haboon.

Guddiga ayaa sida qoraalka lagu sheegay waxaa uu Baarlamaanka Somaliya ka codsaday in si deg deg ahi loo dhameystiro ansixinta Sharciga Doorashooyinika & Sixidda Sharciga Xisbiyada.