M/weyne Kuxigeenka Bankiga Adduunka oo Kulan La Yeeshay Madaxda Qaranka Soomaaliya.

0
593

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay wafdi uu horkacayay madaxweyne ku-xigeenka Bankiga Aduunka Hafez Ghanem.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay  Raiisul Wasaaraha Xukuumadda  Xassan Cali Khayre, Wasiirka  Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Dhinaca kale anka Bangiga Adduunka waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Arrimaha Afrika Mudane Hafez Ghanem, Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta  Dhaqaalaha Marwo Jumake Jagun-Doknmu, Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga  Adduunka ee Kooxda Afrika Mudane Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka  ee Soomaaliya Marwo Puteri Watson.