Al-Shabaab Oo Gaalkacyo Ku Dishay Madaxii Sirdoonka Gobolka Mudug Qeybta ‘Puntland’.

0
439

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar qorshaysan lagu dilay mas’uul sare oo katirsanaa maamulka Puntland.

Xoogag hubeysan ayaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay madaxii sirdoonka gobolka Mudug qeybta Puntland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah oo ka dhacay Gaalkacyo lagu dilay Xaashi Cilmi Geelle oo ahaa madaxii sirdoonka gobolka Mudug ee qeybta Puntland.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ku khaarijiyay Xaashi Cilmi Geelle oo ahaa madaxii Ashahaadda ladirirka maamulka Ridada Puntland ee gobolka Mudug” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dilalka lagu beegsanayo saraakiisha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii badanayay dacallada Waqooyi iyo Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Al Shabaab ayaa dagaal adag kula jirta maamulladan iyadoona illaa iyo hadda wax war ah kasoo bixin dhanka maamulka ‘Puntland’ oo ku saabsan weerarka caawa Gaalkacyo ka dhacay.