Ciidamo Ka Wada Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ku Dagaalamay Degmada Diinsoor.

0
401
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta degmada Diinsoor ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan maamulka Koonfur galbeed.

Dagaalka oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa dhaxmaray maleeshiyaad daacad u ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor ninka lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) kaas oo diiday in uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay.

Ugu yaraan 5 askari oo labada dhinac ka kala tirsan ayaa ku dhintay dagaalka halka 10 kale ay dhaawacyo soo gaareen, waxayna dad goob joogayaal ah aya sheegay in maleeshiyada guddoomiyihii hore ee Diinsoor ay dagaalka ku gacan sarreeyeen balse markii dambe dagaalka waxaa soo farageliyay ciidamada Itoobiya oo lasaftay ciidamada daacadda u ah guddoomiyaha cusub.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in magaalada Diinsoor ay lawareegeen ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka guddoomiyaha cusub.

Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo ahaa gudoomiyihii hore iyo ciidamo uu wato ayaa duleedka degmada ubaxsaday.