Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Sadhig Ku Yaala Magaalada Wajeer.

0
79

Xoogag Ka Tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ku yaalla tuulada Dhada-Jabula ee magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Booliska ayaa sheegay in raggaasi ay doonayeen inay halkaasi ka furtaan laba ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo saldhigaasi ku xirnaa.

Ilo booliska ah ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in labadii maxbuus ee halkaa ku xirnaa ay dhinteen intii uu weerarku socday.