Shir ay Soo Qaban Qaabisey Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo Lagu Balan Qaadey Hal Milion Dolar.

0
456
Shir ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo ay gogasha dhigtay shirkadda Hormuud ayna ka soo qeyb galeyn ganacsato iyo culimaaudiinka, ujeeddadiisuna aheyd u gurmashada dadku uu saameeyey fatahaadaha Wabiyada iyo roobabkii da’ay ayaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Maxamuud Cabdi Cali (Gabeyre) oo shir guddoominayey ayaa marka hore u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay fatahaadaha ,wuxuuna caddeeyay in ganacsataduna ay diyaar u yahiin inay qeyb weyn ka qaataan gurmadka fatahaadaha si dadkeena loo badbadiyo.
Sidoo kale inta uu shirka socday Ganacsatada madasha fadhisay ayaa ku yaboohday  lacag gaareesaa $640,000 lana lagaarsiiyo ilaa hal malyan oo doollar wejiga hore.
Ugu dambeyntii,waxaa la isla gartay in la magacaabo guddi u xilsaaran arimaha gurmadka guddiga ayaana ka kooban 15 xubnood oo ka kala yimid ganacsatad iyo culimada.