Qoysas Ka Barakacey Fatahaada B/weyne oo La Gaarsiiyey Raashin Mucaawino ah.

0
791

Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ka soconaya dadaallada loogu gurmayo Kumannaanka Qoysaska ah ee ka barakacay Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Beledweyne kuwaa oo xiligan wajahaya daruuf adag oo dhinaca nolasha ah.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maamuliyada gobolka Hiiraan islamarkaana ah guddoomiyaha guddiga gurmadka dadka barakacay Xassan Ibraahim Cabdulle ayaa ka guddoomay Campaniga Hubaal deeq raashin ah oo loogu talagalay ilaa 500 Qoys oo ka mid ah dadka ku barakacay deegaanka CeelJaalle ee dulleedka Bari magaalada Beledweyne.

Sayid Cali Qaasim Maxamed oo ku hadlayay afka Campaniga Hubaal ee ku deeqay raashinkan ayaa sheegay in iyaga oo ka jawaabayay baaqii maamulka gobolka ee ahaa in gargaar lala gaaro dadka barakacay go’aasadeen maamulka sare ee Hubaal in ay qoysaskan ugu deeqaan raashin kala duwan oo isugu jira Bur, Bariis, Sokor iyo Timir.

Maamulka gobolka ayaa dhankooda ka mahad celiyay gargaarkan oo noqonaya kii ugu horeeyay mar kaliya loo qeybiyay qoysaskii ugu badnaa tan iyo markii ay Fatahaadu ku dhufatay magaalada Beledweyne.

Hoos  u dhac weyn ayaa 24 Saac ee la soo dhaafay laga dareemay biyaha oo hadda u muuqda kuwa sii yaaranaya, balse waxaa muuqata in qoysaska qaar ku adkaandooto in ay  dhaqse dib ugu soo laabtaan guryahoodii oo ay daadadku la tageen, halka kuwa kalana ay ku dumeen una baahnaan doonaan.